Asalka calanka madoow ee alshabaab
Calanka madow ee ay isticmalaan al shabaab ma sunnaa oo nabiga calanka dagaalada uu qadan jiray madow miyuu ahaa? Jawaab: Abuudaawuud iyo geyrkiiba waxay ka weriyeen jaabir: in calanka Rasuulku (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) uu ahaa caddaan maalintuu makka galay. Sheikh Albaani wuxuu yiri xadiithku waa saxiix (saxiix abiidaawuud, Nr. 2592). Waxaa kaloo abuudaawuud iyo geyrkiiba weriyeen in bandiiradda Rasuulka Alle (ammaan iyo nabadgelyo korkiisa ahaataye) Ay ahayd mid madaw oo afar gees is la'eg ah, xarxarriiqimo cadna leh. Sheikh albaanina waa saxiix buu yiri marka laga reebo afargeeska.(saxiix abiidaawuud, Nr. 2591) . Haddaba midabka cadi waa uu sugnaaday, madowga la sheegayna ma ahayn mid wada mugdi ah ee cadcaddaan baa ku jiray. Sharaxa saxiixu muslim waxaa ku yaal in raayadu ay tahay calanka yar, liwaaguna yahay kan weyn. Waxaana loogu tala galay in lugu aqoonsado meesha ninka madaxda ahi joogo si loogu soo hirto marki loo baahdo. Haddaba waxaan halkaa ka fahamnay ...